DHAGEYSO: Wasiiro Galmudug ah oo taageeray go’aankiii Baarlamaanka ee Xilka looga qaaday C/Kariim Guuleed

Kulan ay Maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Wasiiro, iyo Wasiiro Ku Xigeeno ka tirsan Maamulka Galmudug, Waxgarad, Siyaasiyiin iyo Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda degaanada Maamulka Galmudug ayaa waxa ay ku taageereen go’aankii xildhibaanada Galmudug qaarkood ay Xilkii kaga qaadeen Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed waana in Madaxweynaha Galmudug ee Xilkii laga qaaday in uu si sharaf leh ku aqbalo Xil ka qaadista islamarkaana uu ilaaliyo sharciga iyo Dastuurka Galmudug sida ay sheegeen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Galmudug Jaamac Maxamed Salaad Sheelari iyo ku Simaha Wasiirka qorsheynta ahna Wasiir Ku Xigeenka qorsheynta Galmudug ayaa kulanka ka sheegay in uu sax ahaa go’aanka Baarlamaanka, Waxa ay sidoo kale sheegeen in Madaxweynaha Galmudug uu dayacay Mas’uuliyadii loo igmaday islamarkaana uu ku fashilmay hoggaaminta Shacabka Galmudug sida uu sheegay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.