Puntland iyo Galmudug oo Xabad Joojin kaga dhawaaqey Kulankii dhexmaray Puntland iyo wakiilka qaramada Midoobey ”Sawiro:

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiiskiiska madaxtooyada Puntland ee magaalada Boosaaso ku qaabilay ergayga gaarka ah ee xogyaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimha Soomaliya Michael Keating iyo wafdi uu hogaaminayo.
Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha Dawladda Puntland ku weheliyay wasiirka qorshaynta iyo xiriirka calamiga ah ee Dawladda Puntland Shire Xaaji Faarax iyo Wasiirka Dekedaha, Gaadiidka Badda iyo La-dagaalanka Burcad Badeeda Siciid Maxamed Raage, Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Dhedo iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ergayga gaarka ah ee xogyaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimha Soomaliya Michael Keating ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka Soomaliya iyo xaaladda colaadeed ee ka aloosan magalada Galkacayo.

Kulanku markuu soo dhamaaday ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo ergayga Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya waxay madaxtooyada ku qabteen shir jaraa’id oo ay kaga hadlayeen wax yaalihii kulankooda kasoo baxay ayaa ahaa in xabad jooin lameeyo shuruud la’aan.
punland

puntqar

puntun

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.