XOG: Yaa helay Xubnaha Beesha Sade u matalaya Aqalka Sare. “akhriso Magacyada”

madoobe

Caawa ilaa barri subax waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Jubbaland uu shaaciyo Xubnaha aqalka sare u matalaya dowlad Goboleedkaasi.

Awood qeybsiga lasameeyey ayaa ah ilaa.iyo hadda mid aan sal fadhin waxaase xogta.ugu muhiimsan ee ay Gedo Times ka heleyso Madaxtooyada Kismaayo sheegeysaa in beesha Absame at heshay laba kursi, Beesha Harti ay heshay hal xubin halka beesha Sade Darood ilaa iyo hadda laxaqiijiyay in ay heshay laba xubnood walow wali ay socoto dooda ah in xubin sadexaad loogu daro.

Xubnaha labada kursi ee Beesha Sade ee la xaqiijiyay ayaa waxaa kukala qoran Madaxweyne Kuxigeenkii Hore ee Jubbaland Janaraal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Xasan Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo ah wiil uu dhalay Wasiirkii arimaha dibadda ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Jaamac Barre sidoo kalane ahaa ina adeerka Madaxweyne Maxamed Siyaad.Barre.

Labadani shakhsi ayaa Fartaag,waxaa wadato dowladda Itoobiya oo Axmed Madoobe ka dalbatay in.uu aqalka.sare ku daro halka Xasan Cabdiraxmaan Jaamac uu meesha kusoo galay taageero uu kahelay Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland Suldaan.lugadheere oo ay, qaraabo yihiin kuna.qanciyay Axmed.Madoobe in liiska lagu daro,ninkani.

Jifooyin kasoojeeda Beesha Sade ayaa Axmed Madoobe ka dalbaday in uu xubnaha Aqalka Sare ku daro balse tani ayaa ku noqoneysa wajigabax, xilli waqtiga ku dhawaaqista ay saacado ka harsanyihiin.

WIXII KUSOO,KORDHA KALA SOCO GEDO TIMES.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.