Maamulka Degmada Baardheere oo Dhagax dhigey Afar Mashruuc oo lagu horomarinayo Deegaanka (Sawwiro)

Maamulka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa maanta waxaa uu dhagax dhigey ilaa Afar mashruuc oo la bilaabay in laga hergeliyo degmadan,waxaana xafladii lagu soo bandhigayey Mashaariicdaan ka soo qeyb galay Xubnaha maamulka,Odoyaasha dhaqanka,Haweenka,Culama udiinka ,dhalinyarada iyo waxgarad kale .

Dhismaha Mashaariicdan oo ahmiyad gaar u leh bulshada ku dhaqan magaalada Baardheere ayaa waxaa ka mid ah,dhismaha Xafiiska Gudoomiyaha degmada,Garoonka kubada Cagta ,Xarunta Bulshada iyo Biyo xireeno lagu sameynayo Togaga biyaha,kuwaasi oo horey u bur bursanaa,halka kuwa kalena ay dayacnaayeen mudadii bur burka.

Mas,uuliyiintii ka hadashey Xaflada oo ay ka mid ahaayeen Cadow Nuur Xasan oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere,Hilowle Aden maxamuud oo ah isku duwaha Wasaarada Howlaha Guud ee Gobolka Gedo iyo xubno kale ayaa waxay ku dheeraadeen faa,idada mashaariicdani ay u leeyihiin bulshada Baardheere iyo sida ay bulshada uga faa,ideysan doonto.

Mashaariicdan laga hergelinayo degmada Baardheere ayaa ah kuwa maalgelintooda laga helay mid ka mid ah Hay,adaha caalamiga ah,waana mashaariicdii ugu balaarneyd ee laga hergeliyo Baardheere muddo ka badan ilaa 30 sanno.
dsc01041

dsc01091

dsc01119

dscn0710

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.