Dowlada Soomaaliya bogaadisay maxaabiista ay isdhaafsadeen SSC, Puntland iyo Somaliland

Astaan

Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Fedraalka ah waxeey soo dhawaynaysaa talaabada ay Maamulada Soomaaliland, SSC Khaatumo iyo Puntland isku dhaafsadeen Maxaabiista taas oo daba joogta dedaaladii uu hormuudka ka ahaa Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ka dib socdaalkiisii taariikhiga ahaa ee Magaalada Laasacaanood.

Wasaaraddu waxa ay bogaadinaysaa Madaxda Maamuladaas oo muujiyay niyad wanaag isla markaana qaaday talaabooyin horseedaya nabad ka hanaqaada gayigeena.

Arintaan waa mid muhiim u ah nabad kuwada noolaashaha shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, daris wanaaga, isku socodka iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxeey ku dhiirigalinaysaa Maamulada Soomaaliland, SSC-Khaatumo iyo Puntland in ay sii wadaan dedaaladan bilowga ah ilaa laga xaqiijinayo in xorriyadooda ay dib u hantaan Muwaadiniinta u xiran xiisadaha Colaadeed sidoo kalana la dardargaliyo wada hadalada Bulshada iyo nabadaynta.

Dawladda Soomaaliya waxa ay diyaar u tahay in ay qaadato door kasta oo hoggaamin isla markaana siiso taageerada lagama maarmaanka u ah taabagelinta nabad kusoo dabbaalida dalka iyo dadka Soomaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.