Qoor Qoor iyo James Swan oo Kawada Hadlay Khilaafka Dowlada iyo Mucaaradkeeda Soomaaliya

Qoorqoorjamesswan

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa qasriga madaxtootayada ku qaabilay madaxa xafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo howlo shaqo u yimid Galmudug.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka uu marayo, shirarka la filayo in ay dhacaan ee arrimaha dalka looga arrinsanyo , amniga iyo la dagaalanka Argagixisada, howlaha ay hay’adaha qarramada Midoobe ka wadaan deegaannada Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale diiradda lagu saaray arrimaha bini’aadnimada iyo mashaariicda horumarineed ee kaabayasha dhaqaale sida waddooyinka iyo Airport ka caasimadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.