Sawiro:Madaxweynaha Hirshabeelle oo guddoomiyay shir looga hadlayay amniga 

guudlaawe

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-guddoomiyey kulan looga hadlayey ammaanka guud ee deegaannada maamulkaas.

Wasiirka Amniga, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida iyo Saraakiisha AUSSOM ayaa qeyb ka qeyb galay, waxaana kulanka uu madaxweynaha warbixin kaga dhageystay saraakiisha amniga ee shirka ku sugnaa.

Taliyaha qeybta-5 ee ciidamada AUSSOM gaar ahaan kuwa Burundi Col. Oscar Hatungiman oo marka hore shirka ka hadlay ayaa sheegay in ay sii xoojinayaan dadaallooda dhanka nabad-galyada ee sannadihii dambe ay ka wadeen Soomaaliya gaar ahaan Hirshabeelle oo goobo dhowr ah ay ka joogaan.

“Dowladda iyo Shacabka Burundi waxaan uga mahadcelinayaa naf-hurnimada ciidamadooda, runtii qalbiyadeenna ay ku jiraan oo kaalin muuqato ayay ku leeyihiin howlgalka AUSSOM.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan gaar ah kula qaatay xafiiskiisa ayaa kaalintooda ku abaalmariyey saraakiisha Burundi ee waqtiga dheer ka howlgalayaHirshabeelle

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.