
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta isku shaandheyn ku sameeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada.
Ra’iisal wasaaraha markii uu tixgeliyay talada madaxweynaha JFS,islamarkaana garowsaday baahida loo qabo magacaabidda xubnahan golaha wasiirada, waxaa Ra’iisal wasaare mudane Xamsa Cabdi Barre uu magacaabay xubnahan soo socda:-
1. Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi waxaa loo magacaabay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka labaad ee xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
2. Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), waxaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.
3. Mudane Amb: Axmed Macallin Fiqi Axmed, waxaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda Gaashaadhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Leave a Reply