Sawiro:Madaxwayne Xasan oo Qaabilay Wafti Kasocda Dalka Jabuuti

xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qaabilay madaxtooyadda Qaranka Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Dalka aanu walaalaha nahay Jabuuti ahna Madaxweyne ku xigeenka CAF iyo xubin ka tirsan Golaha FIFA (FIFA Council), Mudane Suleemaan Xasan Waaberi.

Madaxweynaha ayaa muujiyay sida Qarankeenna ugu faraxsan yahay ka mid noqoshada xubinnimada FIFA ee Jabuuti, wuxuuna sidoo kale sheegay inay ka go’an tahay is-dhaafsiga khibradaha xiriirka noocyada kala duwan ee ciyaaraha.

Kulanka uu madaxweynaha la yeeshay Mudane Suleemaan Xasan Waaberi waxaa ku weheliyay wasiirka Dhallinyarafa iyo Ciyaaraha XFS, Gudoomiyaha xiririirka kubadda cagta Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiin kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.