
Maahmaah baa ahayd qori walba qiiciisa buu uraa, mid kalana waxay ahayd (Nin iyo hadalkiis isku ek).
Marar badan baan asaga oo hadlaaya is weydiiyey ma wasiirkii amnigaa, ma kii gudahaa, ma gudoomiyaa, urur bulshaa mise waa af hayeenka xukuumada.
Waxaan aad u rajaynayaa in inta badan ee soomaalida ah ay Ila qaban su’aalahaan, haddii aan dulucda u dhaadhaco oo ah sababta qormadaan igu kaliftay oo ahayd falcelintii uu shalay ka sameeyey qudbadii Cabdi Saacid Shirdoon asaga oo ka falceliyey dhaliisha qof kasta u muuqata ee amaanka dalkayaga soomaaliya wuxuu isticmaalay oo hadalkiisa uu ku bilaabay waxaa noo yimid (NIN SEEDIGEEN AH OO BOORSA SITA), haddaba aniga oo aad ula yaabay ereyadaas waxaa ii soo baxay su’aalahaan.
1-Cabdi Saacid Shirdoon ma dawlada soomaaliya buu gabar ka qabaa?.
2-Hadana waxaan is iri ma kooxda Damujadiid oo talada noo haysa buu saacid gabar ka qabaa?.
3-dhan kale bay maskaxdu ila aaday oo waxaan is iri dadka uu la hadlaayey ma Habargidir soocan bay ahaayeen ileyn xaaska Cabdi Ssacid baa ahe?.
4-Meel kale ayaa arintu ila aaday oo waxaa ii soo baxday xaaska saacid waa Soomaaliye ma Saacid baa ajanebi gabar naga qabaa oo aan Ruush iyo Mareykan ka sokayn?
Is ku soo wadaduub anigu intaas oo meelood baa hadalkii wasiir Fiqi ila galaye maxay idin la tahay Soomaaliyee?.
W/Q Jimcaale
Leave a Reply