Maraykan oo Xeebaha Soomaaliya Ku Burburiyey Doon Shabaab u Waday Hub

Ciidamada Mareykanka iyo oo kaashanayan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Duqeyn ku burburiyay doomo oo hub iyo saanad Ciidan u siday Khawaarijta Alshabaab.

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay biyaha gudaha ee Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni aan calan wadan iyo dooni kale oo yar oo taageero siinaysay.

Hubka la burburiyay oo loogu talagalay kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ayaa khatar ku ahaa Amniga Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamka ee taageeraraya dedaalada nabad dhiska.

Qiimeynta hore ee AFRICOM ayaa muujinaysa in duqeyntan lagu dilay dhammaan argagixisadii saarnaa labada doon, iyadoo aanay jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.