Sawiro:Madaxwayne Mustafe Cagjar oo daah furay 100 Cagaf oo loogu talo’galay beeraha

cagaf

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa daah-furay boqolkan cagafta ah ee uu soo iibiyey Xafiiska Beeraha Deegaanku, taasi oo fureyaashoodana lagu wareejiyey Hay’adda Adeegga Lacagaha Yar-yar ee DDS oo nidaam deyn-ahaaneed ugu sii wareejin doonta iskaashatooyinka la soo xulo.

Xafladda daah-furka cagafyada deynta ah ee xafiisku ugu talo’galay beeralayda Deegaanka, ayaa waxaa goob-joog u ahaa masuuliyiin sare oo heer deegaan ah iyo xafiisyada ay khusayso.

Ha’yadda Adeegga Lacagaha Yar-yar ee Deegaanka ayaa furaha ku sii wareejin doonta iskaashatada buuxisa shuruudaha loo baahan yahay, iyada oo laga shubayo lacagta lagu soo iibiyey 50% .

cagjar

Boqolkan cagaf oo ay “awoodda faraska” ee ay leeyihiin iskugu jiraan 50%, %80 iyo %90, noocooduna yahay Ursas, Cheery iyo Sweat ayey tayadoodu sarraysaa, kharashka lagu soo iibiyeyna uu yahay mid hooseeya marka loo eego kuwii horey loo keeni jiray Deegaanka.

Iskaashatooyinka beeraleyda ah ee Degmooyinka Deegaanka ayaa loo qeybin doonaa cagafyadan, kuwaasi oo laga soo xuli doono iskaashatooyinka hormuudka ku ah dhinaca beeraha, islamarkaasina buuxin Kara shuruudaha looga baahan yahay.

Boqolkan cagaf ayaa hordhac u ah kun cagaf oo ay soo iibin doonto xukuumadda Deegaanku, kuwaasi oo la doonayo in lagu sii xoojiyo wax-soo-saarka dalagga beeraha.

cagaf
cagaf

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.