Sawiro:Wasiirka Ganacsiga oo la kulmay madaxa hay’adda Iskaashiga u qaabilsan Turkiga ee Soomaaliya

wasiir

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxa hay’adda Iskaashiga u qaabilsan Turkiga ee Soomaaliya Mr.İlhami Turus oo ay ka wada-hadleen siddii labada dhinac ay iskaga kaashan lahaayeen horumarinta ganacsiga iyo maal-gashiga iyo sidoo kale xoojinta tayo-dhowrka Soomaaliya si loo ilaaliyo tayada badeecadaha soo galaya dalka iyo kuwa la dhoofinayo intuba.

Waxa kale oo ay ka wada-hadleen tobabaro la xiriira ganacsiga iyo in si gaar ah loo taageero loona horumariyo haweenka ganacsiyada ku leh dalka,  maadaama ay haweenku gacanta ku hayaan ganacsiyada ugu badan Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.