Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Xudur

Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Xuddur ee Caasimadda Gobolka Bakool.

Safarka Madaxweynaha uu ku tagay Xuddur ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirrada caafimaadka, maaliyadda, amniga, degaanka, Xildhibaanno, Taliyayaasha Ciidanka xoogga Dalka iyo kan Darawiishta Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Lafta gareen, ayaa sheegay in Maalmaha uu ku sugan yahay Xuddur, inuu wax ka qaban doonaan baahiyaha ka jira Degmada, isla markaana uu Indha-indhayn ku sameyn doono sida ay u socdaan howlaha maamulka iyo Ciidamada.

“Waxaan u nimid inaannu ogaanno howlaha Dowladda ee ka socda degaannada Gobolka , gaar ahaan Degmada xudur iyo inaan dardar gelinno, dhhiirri gelinno , sida shaqada ku socotana ogaanno, oo aynu ka jawaabno baahiyaha Xudur yaalla”, ayuu yiri Madaxweyne ,Lafa gareen.

Waxa uu sidoo kale sheegay Madaxweyne Lafta gareen in ay wax ka qaban doonaan adeegyada Bulshada, gaar ahaan wax barashada iyo caafimaadka, isla markaana ay la kulmi doonaan, maamulka, ciidamada, hay’adaha iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, si guud iyo si gaar ahna ay isu arki doonaan, Ciidamaduna ay ku samayn doonaan dib u dhis iyo tiro koob.

Madaxweynaha ayaa Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta KG ku ammaanay dagaalka ay kula jiraan Argagixisada, inta uu joogana ay kooxda Al-Shabaab ka xoreyn doonaan degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Bakool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.