Akhriso:Mucaaradaka, xisbiyada faraha badan ee dalka ku soo kordhay iyo khatartooda aan la dareensanayn

jimcaale

Waxaa xaqiiq ah in nidaamka xisbiyada ee u tartyanka hoggaamimnta siyaasada ee dalkasta ay tahay lagamamaarmaan,waana tartanka wanaagsan ee isbedelada ka dhaca dalalka nabada iyo deganaanshaha haysta ee dunida dacaladeeda.

Haddaba waa maxay xisbi Waa urur siyaasadeed oo leh xeer iyo barnaamijd laga dheehan karo waxa lagu raaci karo ama lagu diidi karo marka doorasho timaado,tusaale waxuu xisbigu rabaa in uu hanto kalsoonida shacbiga uu doorashada ka rabo ama xubnaha ka noqonaaya,ka mid noqoshada xisbigaas ama taageeradiisa xeerka iyo barnaamijdka u qoran marka mawaadinku akhristo si uu u kala xusho xisbiyada dalkaas ka jira.

Haddaba akhristayaal waxaan la soconaa xisbiyo badan oo magacyadooda warbaahinta lagu soo bandhigo ee nayloo sheego in la diwaangeliyey oo gudiga doorashooyinka ee madaxa banana aqoonsaday kuwa kalana waa soo socdaan sida aan warka ku hayo, miyaad maqasheen ama aragteen mid kaliya oo xeerka iyo barnaamijdkiisa hawleed shacbiga u soo bandhigay oo la wadaagaya?Jawaabtu waa maya.Waxaan kaloo isweydiiyey dhamaantood inta aan arkaayey shaqsiyaadka hoggaaminaaya waa mucaarad lidi ku ah xukuumada hal ku dhegeedu yahay Nabad iyo Nolol,kooxdaan waqti aan xisbiya dalka ka jirin bay hoggaanka gacanta ku dhigeen walina xisbi muxaafid ah oo xeer iyo barnaamijd leh oo ay samaysteen ma jirto marka laga reebo labada eray ee kala ah Nabad iyo Nolol.

Maxay gudiga doorashada ee madaxa banana ku aqoonsadeen haddii ayyan wadan xeer iyo barnaamijd ay soo bandhigeen? Xisbiyadaan badan ee mucaaradka ah marhaddii uusan jirin xisbi muxaafid ay mabaadiidiisa iyo afkaartiisa diidan yihiin ma waxay mucaarad ku yihiin oo kaliya labada eray ee Nabad iyo Nolol?

Gabagabada qormadaydaan waxaan shacbiga Soomaaliyeed uga digayaa in ay ku baraarugaan in arintu tahay doonista dan gaar ahaaneed iyo koox heblaayo aan xukunka ka tuurano oo ku daneysano iyo kuwo u shaqaynaaya shisheeye in aanaan Meesha aan naalo aanaan ka soo kicin doonaaya dana gaarana naga lleh.

Sidaas awgeed ogaada xukuumada Nabad iyo Nolo wax mucaarado maaha,waxayna qabatay wax badan ayyada oo aan bil kasta mooshin iyo mucaaradad aan kala go, lahayn lagu hayey.Tusaale arintaan ila fiiriya dhibaatada ugu weyn xukuumada Nabad iyo Nolol waxa ku haya oo loo adeegsado waa Golaha Shacbiga ee ah Haya’da dalka u sareysa, waxay leeyihiin gudiyo qayb kasta oo shaqada xukuumada ah qaabilsan sida,amaanka,maaliyada,siyaasada gudaha iyo dibada IWM.mudo laba sano waxay ku hawlanaayeen mooshin iyo dhaliil aan meel haysan oo dhammaantood fashil ku dhamaaday.Akhristayaall maxay u dhici weydey in dhaliilaha ay ku soo daraan talo wax ka badalim karta dhaliisha jirta sida amaanka,dhaqaalaha iyo arimaha bulshada,si ay waqtiyada mooshinada isdabajooga oo ay ka nasan waayeen ay gundhig uga dhigtaan ,annaguna aanu ugu garawno ?

Ma waxay dhaliil nooga dhigayaan waxyaalo jira oo aan waqtiga manta la joogo waxba laga qaban Karin,ayyaguna aysan qabteen haday talada hayaan?Jawaabta waxaan udeynayaa akhristayaasha.

Waxaan ku soo gunaanadayaa dal burburay waxuu ku soo kaban karaa saddex waxyaalood oo la mideeyo ,Sida Dhaqaalaha dalka,Xoogga dadka iyo aqoonta dadka,sidaas awgeed ma suurowdaa in lix dowladood iyo tan lagu magacaabay mida dhexe ee Muqdishow fadhida oo sida aan wada ognahay aan midna mid xukumin ma uga baxayna burburkii nagu dhacay ee sodonka sano dhulka na dhigay Idinku ka jawaaba.
Wabilaahi Towfiiq,
Jimcaale .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.