Daawo:Caabudwaaq Jeneraal Gorod oo oo ka qayb qaatay Nabadaynta Beelaha degmada Balanballe iyo Guri-ceel oo maanta u amba baxay Muqdisho.

gorod

Jeneraal Cabdiwali Jaamac Gorod taliyihii hore ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaliya oo ku sugnaa Gobolka Galgaduud si uu uga qayb qaato Nabadaynta Beelaha degmada Balanballe iyo Guri-ceel ayaa maanta u amba baxay Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaliya.

Taliyaha hore ee Ciidanka Xooga dalka waxaa Garoonka Degmada Caabudwaaq kusii sagoontiyey Maamulka Degmada Caabudwaaq, Gudiga xasilinta, saraakiisha Ciidamada Galmudug, iyo waxgarad, Jeneraal Gorod ayaa uga mahadceliyey sida wanagsan ee Bulshada Caabidwaaq,Balanbal iyo guraceel uga qayb qaateen sidii nabad loogu soo dhamaayn lahaa Beelo ku dagaalamay Duleedka Balanbal taas oo xal laga gaaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.