Dhagayso:Shacabka somaliyeed oo u istaagay iska Caabinta Al-Shabaab

shabab

Qaar ka mid ah dadka ku nool deegaanada Gobalka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya ayaa wada iska caabin ay kaga hortagayaan maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaasi oo caadaystay inay dhacaan hantida dadka.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ee u istaagay inay iska dhiciyaan Argagixisada Al-Shabaab ayaa wuxuu sheegay markii ay u dulqaadan waayeen dhibaataynta iyo dhaca maleeshiyadaan ay ku hayso inay hubka qaateen.
“Al-Shabaab waxay rabaan inay Afduubtaan caruurteena, sidoo kalana ay dhacaan xoolo iyo wixii kale oo hanti ah oo aan haysano, waa dad doonaya oo kaliya xoolaha islaamka, anagana kama yeelayno waana iska celinaynaa.” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadka la dagaalamaya Argagixisada Al-Shabaab.
Halkaan ka dhageyso Waraysiga codkii warbaahinta qaranka Somaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.