Wasiirka Haweenka Jubbland oo Aflagaado u gaystay Shacabka gobolka gedo iyo Madaxwaynaha Soomaliya

qamar

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland Marwo Qamar Deeq Xaaji Qaliif ayaa waxay weerar Afka oo aysan waxba ula harin ku qaaday Madaxwaynaha ummada Soomaliyeed waxayna Aflagaado ugaystay Shacabka gobolka Gedo.

Wasiirka Qamar ayaa waxay Madaxwayanaha Soomaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku eedeysay inuu ka shaqaynayo sidii ay Jubbaland ku dumi lahayn isagoo abaabulaya dad kasoo horjeeda Madaxwaynaha iyo Madaxda jubbaland.

Wasiir qamar ayaa waxaa kaloo sheegtay in shacabka gobolka Gedo ay Madaxwaynaheena Axmed Islaam ay caayaan hadalo aflagaado ah kula kacaan lakiin anigu marabo inaan lamid noqdo reer gadoodka oo siday u caayeen Madaxwaynaheena u caayo Madaxwaynahooda Farmaajo.

Wasiir Qamar ayaa waxay kaloo sheegtay waxa ay sheegayaan Reer Gadoodka ee ah Gabdhaa la kufsaday, dadbaa ladilay hanti baa ladhacay inaysan waxba ka jirin anaa kismaayo jooga waa amaan wax dhib ahna kama Jiraan ayey tiri wasiir Qamar.

Hadaladaan kasoo yeeray Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland Marwo Qamar Deeq Xaaji Qaliif ayaa waxay hordhac u yihiin isku day Madaxwaynaha Jubbaland axmed madoobe uu raba inuu wasiiradiisa ku amro inay caayaan Dowlada Soomaliya iyo Cidksatoo Mucaarad ku ah Maamulka uu hogaamiyo Axmed madoobe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.