Gudoomiyaha Garbaaharay oo dil ugu Hanjabay Wariye Warsame Haaji

warsame

Kadib mudaharaadkii looga soo horjeeday Maamulka jubaland iyo rasaastii uu Gudoomiyaha Degmada Garbahaaray iimaan cadow kaarshe la dhacay shacabkii banaan baxaayay ee uu tvgayada kasii daayay wariye warsame xaaji ka gadaal ayaa waxaa qadka isgaarsiinta ka wacay sitoos ahna ugu Hanjabay Gudoomiye iimaan cadow kaarshe sheegayna in uu dili doono wariye warsame xaaji oo ah wariye ka howl galo saxaafada madaxa banaan Sida Stn TV iyo Star FM wariye warsame xaaji ayaa u sheegay iimaan cadow in uu Ku hadlo afka Bulshada.

Wariye warsame xaaji faarax ayaa si toos ah ugu sheegay maamulka inuusan hanjabaada ugu imaaneyso u dhag dhigi doonin uuna gudbin doono war bixinada bulshada, Hanjabadaan uu kula kacay Gudoomiyaha Garbaaharay Wariye Warsame Haaji ayaa waxaa loo Gudbiyey laamaha dambe barista Soomaliya.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.