Senator ka tirsan Aqalka Senate-ka Mareeykanka oo la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya.

Senator Jack Reed oo ka Tirsan Aqalka Senate-ka Mareeykanka ayaa la kulmay Madaxweeynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay Bogga Facebook ee Howlagalka Mareeykanka ee Soomaaliya, Kulanku wuxuu dhacay 20 kii Bishaan Feebaraayo oo ku Beegneyd Talaadadii hore.

Waxaa ay ka wada hadleen arrimo khuseeya Siyaadda Dhaqaalaha iyo Amaaanka, in kastoo aan si faah-faahsan looga hadlin wada hadalka Masuuliyiinta Mareeykanka ka socotay iyo Madaxweeyne Farmaajo, hadana Mareeykanku wuxuu ka mid yahay Doowladaha Soomaaliya ka Taageera dhinacyadda dhaqaalaha,  Amniga iyo Siyaasadda.

Kaalinta Mareeykanka ee Caawinta Soomaaliya ayaa u badan Dhinaca Amniga, Ciidammo gaar ah oo Mareeykanku tababaray ayaa ka qayb qaata Suggida Amaanka Dalka, sidoo kale Dowladda Mareeykanka ayaa bixisa mushaarka qaar ka mid ah Ciidamadda Soomaaliya.

Duqaymaha ay Fuliyaan Diyaaradaha Dagaalka Mareeykanka ayaa sidoo kale ah gacan taaageero oo Mareeykanku uu siiyo Soomaaliya, duqaymahaas oo lala beegsado Xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Gawaari Qaraxyo ah oo mareeykanku ku duqeeyo meelo kasokeeya bartilmaaameedkoodu halka uu ahaa.

Howlgalka Mareeykanka ee Soomaaliya ayaa Bartiisa Facebook soo dhigay Sawir ay muuqdaan Saraakiil military oo Mareeykan ah kuna labisan Dharka Ciidanka.

Madaxtooyadda Soomaaliya wali kama aysan hadlin kulanka dhexmaray Madaxweeyne Farmaajo iyo Xubnihii ka socday Dowladda Mareeykanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.