Daawo:Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland ayaa Waxqabkiisa soo bandhigay cambaareyna dusha uga Tuuray Axmed madoobe

cabdideeq

Musharaxa Madaxwaynaha Jubaland ee doorashada lafilaayo inay ka dhacdo Jubbaland 2019 Cabdi maxamed Warsame “Deeq Faandhe ” ayaa waxuu soo bandhigay waxqabkiis ahadii loo dorto Madaxwaynaha Jubbaland.

Musharaxa Madaxwaynaha juubaland Deeq Faandhe ayaa waxuu sheegay inuu wax kaqabanaayo Amaanka, Horumarka, Caafimaadka ,Waxbarshada, Cadaalada, ladagaalanka Musuqmaasuqa Iyo wax ka qabashada shaqo la’aanta ka jirta Jubbaland.

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland ayaa waxuu Cambaareyn dusha uga Tuuray Madaxwaynaha Jubbaland asagoo ku eedeeyey inuu dib udhac ku rifay Jubbaland una horseeday Horumar la’aan waxaa kaloo musharaxa Deeq Faandhe cambaareeyey xariga AMadaxwaynaha Jubbaland u gastay Xildhibaan Axmed taajir oo kamida Xildhiobaanada Jubbaland Iyo Xarigii loo gaystay xafiiska Talefishinka RTN ee magaalada Kismaayo.

uGu dambayntii Waxuu ka socday hscabka Jubbaland inay nabada Iyo horumarka ka shaqeeyyeen ayna garabsiiyey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.