Dhageyso:Xaalado abni daro oo ka taagan Dagmooyinka Dhoobley iyo Afmadow

dagal

Waxaa xaalada abni daro ah ay ka taagan tahay magaalooyinka dhoobley iyo afmadow ee maamulka jubaland ,waxaana dad deegaanka ay ka cabanayaan dhibaatooyin xoogan oo ay kala kulmaan qaar ka mid ah ciidamada wata dareeska maamulka jubaland ,kuwasoo xilliyada habeenkii ah dadka ka furanaya mobeelada iyo lacagaha ay dadka sitaan,
Ayadoo sidoo kale dhowr qof lagu dhaawacay dhowrkii habeen ee la soo dhaafay ,Waxaana arintaasi ay walaac ku abuurtay dadka deegaanka ,oo iyaga hada bilaabay in salaada maqrib kadib aysan ka soo bixin guryahooda ,iyagoo ka cabsi qabo in ay la kulmaan dhibaatoyin oga yimaadan maleeshiyaadka kala gadisan ee xilliyada habeenkii ah dadka ku dhex isbaaraysana gudaha magaalada iyo xaafadaha dhexdooda .
Abaaduulaha ciidamada dowlada ee gobalka jubada hoose Fatxi Xuseen Cabdi [Fatxi Jiis ]ayaa warbaahinta u sheegay in xaalada adag ay haysato dadka shacabka ah islamarkaana loo geysto dhac baahsan oo oga yimaada maleeshiyaad aan cidna ka amar qaadan oo hoostago maamulka jubaland .
Listen to “maleeeshiyada raaskaambooni” on Spreaker.

Waxaa sidoo kale uu sheegay hadii aan arintaasi waxba laga qaban in ay keeni karto fala aad u xun oo la xiriiro xaquuqul insaanka ,
dhinaca kale taliyaha saldhiga dagmada dhoobley Haybe Axmed Cali [haybe dhagool] oo aan la xiriirnay si aan wax oga waydiino arimahaasi ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo , saraakiil iyo taliyaal ciidan oo ku sugan gudaha gobalka jubada hoose oo aan la hadalnay ayaa sababta arinkaasi waxay ku sifeeyeen in ay tahay in maleeshiyaadka aysan helin mushaar muda laba sano ah,tasina ay sababtay in dadka ay dhacaan ,iyagoo ka digay in arinkaasi uu sabai karo in wada shaqayn ay dhex marto maleeshiyaadka daruufaysan iyo al shabaab tasoo ku aadan fududaynta howl galo ay shabaabka ka fuliyaan xarumaha ciidamada amisom ee ku yaala gudaha jubaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.