Dhageyso: Waa maalin caynkee ah 1-da luulyo By C/llaahi Cali Daruus

56 sano ayaa kasoo wareegta 1-da luulyo 1960 oo ahayd markii ay gobalada koofureed ee soomaaliya ay xoriyadooda ka qaateen gumaystihii talyaaniga islamarkasna ay midoobeen gabalada koofureed iyo kuwa waqooyi ee soomaaliya oo iyaguna xoriyada kaqaatay gumastihii ingiriiska 26-kii june 1960 xiligaas oo kubeegan 4 cishi ka hor markii ay midoobeen gabalada waqooyi iyo kuwa koofureed ee soomaaliya
waxaa jiray qarngii 19-daa sanadihii 1860 ilaa iyo 1879 tartan badan oo dawladiihii gumaystayaasha ay ugaleen dhulka soomaaliya oo ay u arkayeen in uu ku yaal meel istiraatiiji u ah hadafyadoodii gumaysi ee kuwajahnaa qaarada Africa, markii uu sanadku ahaa 1862 ayaa faransiisku canfarta ka iibsaday magaalada obakh kadib waxaa halkaasi laga taagay calanka faransiiska
1889 bishii labaa ayaa qusul dalka sinsibaar u fadhiyay talyaaniga waxa uu hashiis laglay suldaankii hubyo cali yusuf oo kuwareejiyay magaaluuyinka waa wanyn ee koofuta soomaaliya mudo 25 sano ah isla sanadkaas dhaaadkiisii shirgad talyaanigu lahaa oo la oran jiray “empery British east Africa” ayaa kasii karaysatay talyaaniga xeebaha banaadir oo uu markii hore cali yusuf kakirastay talyaaniga
ingiriiska oo doonayay in usan dalkale oo awood leh qabsan xeebha soomaaliya ayaa bilaabay hashiisyo uu lagalay qabaa’ilka waqooyiga somaaliya waxaana sidaasi ku bilowday gumaysigii iyo kala qaybintii dulka soomaaliya
halgano kala duwan oo ay abaabulayeen mawaadinii soomaliyeed oo gumaysi diid ah ayaa ka hor yimid gumastayaashii qabsaday dhulka soomaaliya
sanadkii 1899 bishii abrii ayaa lashiigay in sayid maxamed cadile xasan uu aruurday ciidamo gaaraya 3-kun waxaana bilowday digaal u dhexeeyay sayid ka iyo gumastihii ingriiska oo gacan kahelaya talyaaniga iyo farnsiiska
inkatoo ay dheceen digaalo badan oo dhex maray daraawiishta iyo ingriiska hadana waxaa uu ahaa digaalkii ugu xumaa xiligaasi dagaalkii kadhacay meesha layiraahdo dulmadow oo bariga ka xigta maagala burco 1913 bishii ogoto oo lagu dilay sargaalkii hogaaminay duulaankii ingiriiska oo la oran jiray Richard Corfield oo soomalidu u yaqaaneen (koofile) waxaana sayidka uu ka tiriyay geerida nin kaas gabay caan ah oo la magic baxay koofile
gabaga sayidka oo la tarjumay ayaa lageeyay dalka ingiriiska waxaana suugaan yahanadii in giriiska oga jawaabeen gabayo iskugu jira calaancal iyo baroordiiq
hase yeeshee daraawiishtii waa laga adkaaday kadib markii lagu garaacay diyaaradaha dagaalka
marka laga sootago halgankii halyeeyadii daraawiishtu ay lagaleen gumastihii in giriiska waa la asaasay 15-kii may 1943 arurukii dhalin yarada ee la oran jiray SYL oo ka koobnaa 13 dhalin yaro ah iyagoona bilaabay halgan xorima doon oo ka dhan ah gumastihii haystay dhulka soomaaliya
1959 bishii daseenbar ayaa jamciyada quruumaha kadhacaysa soo saartay ogaan lagu soogaba gabaynayo gumaysigii talyaaniga ee koofurta somaliya waxaana lashaa ciyay in 1-da luulyo 1960-kii uu talyaanigu kaboxo koofurta soomaaliya
1-dii luulyo 1960 talyaaniga ayaa iskaga huleelay koofurta soomaaliya, waana markii ugu horaysay ee calanka soomaaliyeed oo baluuga ah ee dhexda kuleh xidigta shanta gees leh uu kababado dhulka soomaaliyeed oo xor ah kadib markii ay xoriyada kaqaateen isticmaarkii gumaysan jiray dhulka soomaaliyeed ee kala qaybe dadka soomaaliyeed waxaana dadkii soomaaliyeed ee waqtigaasi joogay ay ku soo dhaweeyeen xoriyada jawi ay farxad ku dheegantahay iyadoona loo tiriyay xoriyada iyo calanka gabayo,heeso,baraanbur,guurow iyo suugaanta qaybeheeda kala duwan
abwaan abdullahi suldan tima cade ayaa kamid ahaa hal abuurkii soomaaliyeed ee sida wayn loo xasuusto gabayadooda waxaana uu ku soodhaweeyay calanka gabaygan ay tuduc yadiisa kamid yihiin ”saaxirkii kala guurnaye sareeyow manusqaamow aan siduuyahay eegee kana siib kana saar”

1-da luulyo waa maalin kuwan dadka soomaaliyeed, waxaana markii ay midoobeen gabalada waooyi iyo kuwa koofireed ee soomaliyakadib markii ay xoriyada ka qaateen gumastayaashii reer yuru oo ay la bexeen jamuuriyada soomaaliya, waxaana sanad walba 1-da luulyo looga dabaal dagaa daafaha dunida

Halkan ka dhagayso cabdullahi caydaruus gedotimes, muqdisho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.