TOP News: faafaahino dheeri ah oo kasoo baxaya Madaafiic Xalay lagu garaacay Xaafado ka tirsanKismaayo.

Waxaa faah faahinno aan ka heleynaa Madaafiic xalay Al Shabaab ay ku garaaceen Magaalada Kismaayo.
Duqeymahani Madaafiicda ah ayaa la sheegay in ay ku kala dhaceen Xaafado ka tirsan Magaalada Kismaayo oo ay ka mid yihiin Siinaay, Guulwade iyo Farjanno.

Inta la xaqiijiyay 6 qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay duqeymahaasi Madaafiicda ee xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Dadka shacabka ah ee ku waxyeeloobay duqeymahaasi Madaafiicda ayaa kala ahaa 4 qof oo ka soo wada jeeda hal qoys oo gurigooda oo ku yaalla Xaafadda Guulwade oo madfac kula dhacay.

Halka labada qof kale ay ku dhaawacmeen Madfac ku dhacay Xaafdda Siinaay ee Magaalada Kismaayo.
Xaaladda ayaa saaka degan iyadoona dadka deegaanka ay xaqiijiyaan in Madaafiicda ay ka soo dhacayeen duleedka Magaalada Kismaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.