Jubbaland: Weerarkii Ceelcade Mid lamid ah ayaa ka dhici akra Afmadow iyo Deegaano kale oo Jubaland ka tirsan.

C/rashiid C/laahi Cali (Gooni), Gudoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose Ee Maamulka Jubbaland, ayaa wuxuu sheegay in Degmada Afmadow uu ka dhici karo weerar lamid ah weerarkii Degmada Ceelcadde, haddii aanay wada shaqayn Ciidamada Somalida iyo Amisom.

Gudoomiyaha oo booqasho ku joogga Degmadaasi Afmadow Ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxaa uu Ciidamada Somalida uu ku booriyay inay la shaqeeyaan Amisom, maadaama ay Amisom u soo gurmatay Somalida.

“Amisom waxay u timid inay anaga na difaacaan, mana ahan in loogu abaal gudo in la dhibaateeyo, waxaa loo baahan yahay in lala shaqeeyo Amisom.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha, ayaa yiri “Si aysan Degmada Afmadow kaga dhicin weerar lamid midkii Degmada Ceelcadde oo Amisom lagu dhibaateeyay, waa inay wada shaqeeyaan Ciidamada Somalida iyo Amisom. Inaad xoojisaan wada shaqaynta, kala war qaadataan, xogaha aad wadaagtaan ayaa la rabaa.”

Gudoomiyaha oo la hadlaayay Ciidamada Somalida ee ku sugan Afmadow, ayaa yiri “Anaga oo dhan hal cadow ayaan leeyahay, waa in meel looga soo wada jeestaa oo lala dagaalamaa cadowgaas, lagana hortaggaa weerarada ay maleygayaan.”

Toddobaadyadanba waxaa jiray walaac xagga amniga ku aadan iyo wada shaqaynta la’aan ka dhex jirta Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ee ku wada sugan Degmada Afmadow.

Gudoomiye Gooni, ayaa Degmadaasi u tagey sidii uu u abuuri lahaa wada shaqayn buuxda oo dhex marta Ciidamada Somalida iyo Amisom, taasoo meesha ka saari karta weerar lamid ah midkii Ceelcadde ka dhacay 15-kii bishii January, laguna laayay ciidan fara-badan oo ka tirsan Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Amisom.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.