“Kenya” Waxaan Ka Cabsi Qabnaa Weraro Al- shabab Ay Ka Fuliyan Garomaha Diyaradaha

Ammaanka qaar ka mid garoomada diyaaradaha ee dalka Kenya ayaa si weyn loo adkeeyay kadib markii sirdoonka dalka Kenya u helay xog ku saabsan in al shabaab ay qorsheynayaan weeraro ay ku qaadaan garoomada diyaaradaha ee dalka Kenya.

Sirdoonka dalka Kenya ayaa sheegay in al shabaab ay weerarada garoomada u tababareen ilaa iyo 11 dagaalyahan oo ka tirsan al shabaab kuwaasoo la sheegay in qorshnayaan in weerarkaasi fuliyaan horaanta bisha march sida ay sheegee laamaha ammaanka ee Kenya.

Eric kiraithe oo ka mid saraakiisha ammaanka ee Kenya ayaas sheegay in al shabaab ay doonayaan in bartilmaameedsadaan diyaaradaha iyo rakaabka xilliyada ka soo cag dhigtaan garoomada ama marka duulayaan.

Saraakiisha kenyaa ayaa xusay in shan ka mid raga loo tababaray ay ku jihaysanyihiin garoomada jomo Kenyatta ee ugu weyn  dalka Kenya ama garoonka labaad ee Wilson halka lixda kalena ay ku wajahanyihiin garoomada ku yaala gobalada xeebta iyo garoonka moi ee yaala magaalada Mombasa.

Mr eric ayaa sheegay in ragaasi la tababaray si gaar ah loo baray sida weerarada is qarxinta ah loogu fuliyo garoomada diyaarahada,waxaana uu walaac ka muujiyey in haddii ay dhacaan weeraradasi ay sababi doonto dhibaato xoogan oo soo wajahda ammaanka dalka Kenya.

Taliyaha ciidamada booliiska ee dalka Kenya Jeneral joseth boinnet ayaa dhawaan ka digay weeraro al shabaab ka gaysan karaan gobalka waqooyi bari ee Kenya iyo waliba qaar ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn ee gobalka xeebta

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.