Gaas oo Aday Mareykanka Xili Turkiga uu Ka Socdo Shirkii Higsiga

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  23-Feb-2016 ka amba-baxay magaalada Addis Ababa  ee xarunta dalka Itoobiya oo muddo ha todobaad ah uu hawlo shaqo u joogey isagoo kusii jeeda Magaalada Washington DC  ee Xarunta Waddaka Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sidoo kale safar ku tegi doonaa gobollada kala duwan ee dalka maraykanka halkaas oo uu  shirar iyo kulamo kula qaadan doono Jaaliyadaha kala duwan ee reer Puntland ee ku dhaqan qaaradda America, kulamadaas oo intooda badan salka ku hayn doona qaabkii ay jaaliyaduhu uga qayb qaadan lahaan horumarka baaxadda leh ee Puntland ka socda iyo talooyinkooda ku aadan halbeegga awood qaybsiga qabiilka ee 4.5 kaas oo ay Puntland qaadacday in dalka dib loogu celiyo, balse ay Dawladda Federaalku weli dabada ka riixayso sidii markale dalka dib loogu celin lahaa awood qaysiga qabiilka ee 4.5 kaas oo ummadda Soomaaliyeed ragaadiyey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale kabaaqday shirka shirka looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya ee uu Marti gelinayo Waddanka Turkigu, kadib markii uu u arkay Madaxweynuhu  shirkaasi in uu yahay mid ummadda Soomaaliyeed lagu Jaahwareerinayo isla markaana aanay wax dan ahi ugu jirin ummadda Soomaaliyeed shirkaasi oo aanu waxba kaga duwanayn shirarkii hore u bur-buray ee lagu qabtay Kismaayo iyo Muqdisho.

Shirka ka furmaya magaalada Istanbuul ee waddanka Turkiga  ayaa ah labo qaybood, qaybta hore ayaa ah mid looga hadlayo barnaamijka Hiigsiga cusub(New Deal) oo arrimaha diiradda lagu saari doono ay ka mid tahay maalgashiga, ganacsiga iyo dhaqaalaha waxaana qaybtaa Puntland uga qayb geleya Wasaaradaha Qorshaynta, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Madax New Deal-ka u qaabilsan Puntland Maxamed Xassan Barre.

Qaybta labaad ee shirka Istanbuul ayaa ahaan doonta mid looga hadlayo  siyaasadda dalka Soomaaliya oo ay ugu weyntahay nooca doorasho ee dalka kaqabsoomi doonta bilaha August iyo September ee fooda inagu soo haya, qaybtan Puntland kama qayb geli doonto maadaama Dawladda Federaalku aanay weli wax tanaasulaad ah ku samayn go’aankeedii ahaa in dalka dib loogu celiyo awood qaybsigii qabiilka ee 4.5, sidoo kalena ay Dawladda Puntland ku taagan tahay go’aankii shacabkeeda ee ahaa in aan dalka Soomaaliya dib loogu celin hannaankii hore usoo daashadey ee ee awood qaybsiga qabiilka ee  4.5.

—DHAMMAAD—-

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.