XOG: Xasan Sheekh oo ka qeybgalaayo Baroordiiq loo sameynaayo Ciidankii kenya ee Ceelcade lagu laayay.

Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maanta uu ka qeybgalo baroordiiq loo sameynayo askartii loogaga diley ciidamada Kenya saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo.

Sidoo kale baroordiiqdan loo sameynayo ciidamada Kenya ayaa waxaa ka qeybgalaya Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta sida ay daabacday Dailynation.

Lama oga tirada saxda ah ee loogaga diley ciidamada Kenya weerarka lagu qaaday saldhiga ay ku lahaayeen gobolka Gedo hase yeeshee waxaa la geeyay dalka Kenya meydadka qaar kamid ah ciidamadan.

Ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM ayaa isaga baxay shalay qaar kamid ah deegaanada ay ka joogeen gobolada Jubbooyinka.

Hase yeeshee Afhayeenka ciidamada dalka Kenya David Obonyo ayaa beeniyay in ciidamada Kenya ay bilaabeen inay isaga baxaan dalka Soomaaliya waxana uu sheegay in dhaqdhaqaaqa ciidamada Kenya ay yihiin in ay saldhigyo cusub sameystaan.

“Waxaan ku joognaa Soomaaliya amarada AMISOM maadaama aan qeyb ka nahay, sidaa darteed kama tagayno mas’uuliyadeena.”ayuu yiri Col Obonyo.

Obonyo ayaa intaa ku daray in ay ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin qeybta 2 ama section 2 oo ah meel aad u adag balse ay daafacyo ka samaysan karaan meeshii ay dooaan.”

Sector 2 ayaa waxaa la isku yiraahdaa gobolada Gedo, Jubbada dhexe iyo Jubbada Hoose. Maanta ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in ciidamada Kenya ay isaga baxeen degmada Badhaadhe iyo saldhigii Ceelcadde.

Si kasta ha ahaatee,Col Obonyo ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa ciidamada ay tahay mid caadi ah oo halka ay doonaan ay ka degi karaan qeybaha loo qorsheeyay.

“Waxaan u joognaa Soomaaliya ujeedo ah in aan xoreyno oo aan amaanka dhowrno halka naloo cayimay welina howlgaladeena waa ay socdaan,”ayuu sii raaciyay.

Ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ee ka socda dalka Kenya ayaa qasaare xoog leh waxa ay kala kulmeen weerarkii lagu qaaday Ceelcade halkaa oo aan weli la cadeyn tirade ciidamada ee Kenyanka ee dagaalkaas ku dhintey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.