Dhageyso: Gudoomiyihii Ceel Cade Ma Dhiman Ee.

Maamulka Gobolka Gedo oo beeniyay in uu geeriyooday Guddoomiyah Degaanka Ceelcadde Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo Axmed Buule ayaa beeniyay in Ciidamada Dowladda Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay Dileen Guddoomiyaha Degaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo.

Guddoomiye Axmed Buule oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa been aan sal iyo raad toona la heyn ku tilmaamay Wararka sheegaya in Ciidamada Kenya ay xireen kadibna ay Dileen Guddoomiyaha Degaanka Ceelcadde. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu sheegay in Guddoomiyaha uu dhaawac ka soo gaaray Qarax miino oo lala eegtay kolonyo uu la socday, waxuuna qeexay in xaaladiisa caafimaad haatan lagu dabiibayo Isbitaal ku yaala Magaalada Wajeer ee Dalka Kenya. Dhinaca kale,

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo Axmed Buule ayaa ugu baaqay Dowladda Kenya in ay Ciidamadeeda ay joojiyaan duqeymaha ay Diyaaradooda ka fulinayaan qeybo ka amid ah Gobolka Gedo. Diyaaradaha Kenya ayaa duqeymo kala duwan ay geysteen Gobolka Gedo waxaa ku dhintay tobaan Ruux oo shacab ah iyo sidoo kale Xoolo badan, sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen Dadka Degaanka.

Kenya ayaa xoojisay duqeymaha ay diyaaradooda ka geysanayaan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Gedo, tan iyo waxii ka dambeeyay Weerarkii Cuslaa ee Xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen Saldhigii Ciidamada Kenya ee Degaanka Ceelcadde oo 60Km qiyaas ahaan u jira Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Halkaan Ka dhageyso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.