Jordan Oo Wadamo Soomaali Ay Kujirto Ka Caawineysa La Dagaalanka Argagaxisada

Saraakiil Ka Tirsan Dawlada Jordan Ayaa Sheegay In Madaxda Dalkaasi Ay Balan Qaadeen In Wadamada Qaarada Afrika Oo Ay Kujirto Soomaaliya Ay Gacan Ka Siiso La Dagaalanka Argagaxisada Gobolka, Si Looga Hortago In Kooxaha Argagaxisada Ay Ku Sii Faa-Faan Gudaha Wadamada Gobolka.
Saraakiisha Dawlada Jordan Waxa Ay Sheegeen In Madaxweynaha Dawlada Soomaaliya Oo Kula Kulmay Caasimada Jordan Dhigiisa Dalkaasi Baqor C/laahi, Waxaana Kulanka Labada Hogaamiye Ay Saraakiisha Sheegeen In Lagu Soo Qaaday Sidii Dawlada Jordan Ay Gacan Ugu Siin Laheyd Dawlada Soomaaliya Dagaalka Al-Shabaab Waxaana Madaxweynaha Soomaaliya Uu Ugu Warbixiyey Baqorka Jordan Xaalada Siyaasadeed Ee Dalka Soomaaliya.
” Jordan Waxa Ay garab Taagan Tahay Dawlada Soomaaliya Iyo Howlgalka Nabad Ilaalinta Ee Ka Socda Gudaha Soomaaliya Ee Amisom”, Sidaasi Waxaa Yiri Saraakiisha Dawlada Jordan.
Magaalada Aqaba Ee Dalka Jordan Waxaa Lagu Soo Gaba-gabeeyey Shir Looga Hadlayey Amniga Iyo Argagaxisada, Waxaana Madaxda Kulankaasi Ka Qeyb Galay Ka Mid Ah Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sh.Max’uud

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.