TOP: Xildhibaano Iyo Masuulyiiin kale oo dhawaan la filaayo in ay gaaraan Degmada Ceelcade ee Gobolka Gedo.

Siyaasiyiin, xildhibaano Iyo waxgarad Ayaa lasoo warinayaa in ay dhawaan ku wajahan yihiin Degmada ceeelcade ee Gobolka Gedo, kuwaas oo ujeedka Socdaalkooda uu yahay u kuurgalida Xaaladaha bini’adamnimo ee deegaanadaasi kajira.

Wafdiga waxaa qeyb ka ah xildhibaanada kala ah cabdifitaax nuur mataan Iyo Maxamuud Cali magan, sidoo kale Garaad Guud ee Deegaanka ceelcade Garaad Maxamuud Garaad cabdulaahi Ayaa isagane gaari doona Degmada ceelcade Iyo deegaanada ku xeeran.

Ujeedka socdaalka Ayaa lagu sheegay in ay Kenya kala hadlaan Dhibaatooyinka ay ugu horeyso Duqeymaha ee ay kuwado shacabkii horayba dibad jooga uga ahaa Deegaanka ceelcade ee dhawaan lagu diriray.

Horay Masuuliyiintani waxay shir saxaafadeed ay Muqdisho ku qabteen ugu cambaareeyeen Duqeymaha ay militiriga Kenya kawadaan deegaanada Diirharo ee Gobolka Gedo.

Waa wafdigii ugu horeeyey ee gaaraya ceelcade tan Iyo intii ay ka dhaceen dagaaladii lagu xasuuqay Ciidamada Kenya ee halkaasi ka dhacay todobaad kahor.

Waxaa la filayaa in Wafdiga uu Kusoo biiro Gudoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buula canjeex oo safar shaqo hadda ku jooga Magaalada Kismaayo, halkaas oo uu kaga qeybgalaayo shir ay leeyihiin Maamulada Degmooyinka Iyo Gobolada Jubaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.