Qarax Qasaaro gaystay oo ka dhacay Dhuusamareeb

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in goordhaweyd uu ka dhacay halkaasi qarax ismiidaamin ah kaas oo qasaaro gaystay.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Maqaaxi ka soo horjeeda Xarunta Inji ee uu ku shaqeeyo Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug.

Hal qof ayaa ku dhintay Seddax kalana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray qaraxaas waxaana dhici karta in dhimashada intaas ka badato.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.