Caqad oo ka tacsiyadeeyey geeridii Xildhibaan Boqore

cawad

Ku-simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo kooxo dhagar qaabayaal ah ku dileen magaalada Muqdisho.

 

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa dhammaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya,Shacabka Soomaaliyeed,Qoyskii iyo QaraaBadii uu ka baxay uga tacsiyadeeyay geerida marxuumka,wuxuuna Alle uga baryay naxariistii janno.

Sidoo kale,Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Cismaan Cilmi Boqore,waxayna Alle uga baryeen inuu ka waraabiyo naxariistiisa Janno.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.