Waxaa tusaale noogu filan qur’aanka Alle iyo Axaadiista nebiga CSW (qoon aan isduleyn ma duleeyo) iyo (cidii aan nibceeyo oo ku shugrin weyda cadaabkaygu waa daran yahay)
Aad baan u garanayaa 1960kii ilaa maanta,waxna waa akhriyey aqoontaydu in kasta ha le”ekaatee, qoomiyada Soomaalyeed 1884tii waxay ku noolayd dhulka aan u naqaan shanta Soomaaliyeed in ka baaxad weyn, dib baa loo soo riixay waxaana lagu soo koobay inta aan u naqaan shanta Soomaaliyeed.
Ayyada oo saas la yeelay baa loo quuri waayey oo shan loo qaybiyey Lana hoos geeyey dawlado kala duwan sida Talyaani, Ingiriis iyo faranaiis isla markaasna qaybo kale laga sii jaray oo lagu daray Itoobiya iyo Kenya ilaa maantana gumeeste madoow gacanta ugu jira.
Ugu danbayn qariirada lambar todoba baa samaysantay oo ka hoos baxay Talyaani iyo Ingiriis una taagnaa mideynta iyo xoraynta Soomaalida oo dhan.
Sooyaalkaas taariikheed qofka og aad buu ula yaabayaa jiilka maanta inoo kacay oo aragtidoodu tahay waxaad ka qaban kartaa? Maxaa kaa galay? Iyo Maxaan ka dheefaa?
Aduunyada halka aan uga naal iyo cimilada Alle na siiyey waa naloo quuri layahay.Maxaan u garan la.nahay dagaalka nagu socda ilaa 1884tii:-
1-kala qaybintii Soomaalida 1884tii.
2-Burburintii dawladayadii Afrika ugu sareysay.
3- Shacbigayaga oo qabaa.il loo kala miiray oo loo abuuray colaad iyo isnacayb.
4-Yaa noo sameeyey federaal iyo dawlado?
5-Aan soo gaabiyee dagaalka ka socda Awdal,Hiiraan, Koofurgalbeed iyo Mooyaale
6-Fargelinta Imaaraadka,Yuhuuda,
Keenya,Itoobiya IWM maxaa dadkayagu u dareemi la,yihiin oo qabyaalada ku foogay, Ugu dambay Soomaaliyeey yaan ku halaynaynaa mustqbalkayaga ma waxaan sugeynaa inta dad kale qaataan dhalkayaga.
Qore, Cabdullahi Jimcaale Faarax
Leave a Reply