Marka la eego xaalada dalkayagu ku sugan yahay maanta waa su,aal mudun in qof kasta oo Soomaali ah oo dalka rajo ka qabaa is weydiiyo,aniga oo jecel qof kasta in uu ra,yigiisa la dhiibto su,aasha aan tayda ku hormaro:-
Dalkayaga cadaw ummadda Soomaaliyeed leedahay baa burburiyey waxaana loo adeegsaday gacmahayaga ilaa maantana maanaan garan hubka cadawgu noo isticmaalay ee ah qabyaalada, meesha nala gaarsiiyey waa halkii u denbeysay oo khatar badan Xassan Shiikh iyo kooxdiisu waa fududeeyayaasha Baabi,inta magaca iyo maabka lambar todoba oo dunidu noo taqaan,waxaana u sababa arimaha hoose:-
1- Aqoonsiga Yahuuda Soomaalilaandhi iyo falcelinta Xassan SHiikh oo jilecsan(weak).
2-Maababkii yahuudu soo saartay dhawaaan oo ay ku cadahay halka noo wado dadka dawlada Soomaaliya midna kama falcelin maxay ku dhacday?!
3-Imaaraadka oo Israa,iil saaxiibka koowaad u ah oo aan ognahay hawsha ay ka hayso Xamar,Kismaanyo, Garoowe iyo Hargeysa Xaasan SHiikhna waa u saaxiibka koowaad.
4-Aflagaadada joogtada ah ee Madaxweynaha Maraykan Taraam iyo bahdika uu ku sameeyey Xassan Shiikh shirkii ugu danbeeyey ee Qaramada Midoobey oo asaga oo xaadira Taraam diiday in uu qaabilo arimaha Soomaaliyana uu kala Shirey Madaxweynaha Kenya Wilyam Ruutu sow baxdil weyn maahaan Xasssn ma ka hadlay.
5- Imisaa jeer wasiiro, Rasilwasaare kuxigeen iyo madax Sare oo safar sharciya ku socda laga soo celiyey garoonka jooma Kenyaata.
6- Meyd Maxaa u danbeeyey kan la siisido:-Maalinta dabaaldega Geesiyaashii Keenya oo sanad kasta Shanda oo lagu martiqaaday Abi Axmed ayaa Xassan codsi u qortay Wilyam Ruutu in uu ka qaybgalo waana la diiday in uu tago halkaas waayo arimaha ay isugu imaanayaan Abdi iyo Ruutu baa ah sidii looga taqalusi lahaa Soomaaliya.
Maxaa la gudboon shacbiga,odayaasha dhaqanka,aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta damiirka leh,ku darso dalka halkaas maraya wuxuu ku mushquulsan yahay xubinta taranka dumarka iyo boobka dhulalka dadka danyarta ah.
Maxay kula tahay?.
Wabilaahi Towfiiq.
A.J.Faarah.
Leave a Reply