Ra’iisalwasaare Xamse oo Qadka Telefonka Kula Xariiray Xildhibaan Sagal Cabdi

sagalabdiwali

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Bare ayaa qadka Telefanka kula xariiray Xildhibaan Sagal Cabdi Cilmi oo ah gabadh Soomaaliyeed oo dhowaan loo doortay in ay noqoto xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Boqortooyada Ingiriiska.

Waxaan Xildhibaan Sagal ugu hambalyeeyay guusha weyn ee ay ka gaartay doorashada, waxaanan u rajeeyay in alle u fududeeyo xilka culus ee ay xambaartay, aniga oo u sheegay sida dowladda, madaxda iyo shacabka Soomaaliyeedba ay ugu faraxsanyihiin guusheeda oo ah mid taariikhi ah.

Xildhibaan Sagal waxa ay tusaale wanaagsan u tahay qurba-joogta Soomaaliyeed ee dunida meelo kala duwan ku nool ee dedaalkooda iyo kartidooda ku gaaray xilal iyo darajooyin waaweyn.

Waxaan xildhibaanadda kula dardaarmay in ay si hufan u gudato xilkeeda, u shaqayso bulshadii baarlamaanka u dirsatay, kana qeybqaadato dedaal kasta oo lagu sii xoojinaya xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo UK.

Waxa aan si gaar ah u bogaadiyay doorka ay dadka Soomaaliyeed ku leeyihiin horumarka iyo siyaasadda dalalka ay ku nool yihiin, taas oo muujinaysa kartidooda, aqoontooda iyo dadaalkooda. Waxa aan u rajaynayaa in guusha Xildhibaan Sagal ay dhiirrigelin u noqoto jiilalka soo koraya, isla markaana ay horseeddo fursado badan oo dadka Soomaaliyeed kaga qaybqaataan hoggaaminta iyo go’aan-qaadashada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.