Itoobiya ayaa Xirirka u Jartay Dalka Eritrea

abiyahmed

Dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay xirayso safaaraddeeda ku taalla caasimadda Eritrea ee Asmara, iyadoo sidoo kale amar ku siisay 10 diblomaasi oo Eritrean ah inay dalka uga baxaan muddo 48 saacadood gudahood ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sheegtay in tallaabadan ay timid kaddib waxa ay ku tilmaantay falal “gardarro iyo dhibaateyn” ah oo Eritrea ay si toos ah iyo si dadban ugu kacday.

Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in toban diblomaasi lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen hawlo khatar ku ah amniga qaranka Itoobiya.

Go’aankan ayaa yimid xilli ay dib u soo cusboonaadeen dagaallo iyo xiisado ka jira waqooyiga Itoobiya, iyadoo mas’uuliyiinta Itoobiya ay Eritrea ku eedeeyeen in ay taageerto kooxo hubaysan oo dagaal kula jira dawladda federaalka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.