Marka aad fiirisid cinwaanka sare waxay kugu soo dhacaaya ma qaylodhalaan baa mise waa digniin, isla anigu aan ka jawaabee labadada waa iskugu jiraa, sanooyinkii danbe wixii ii muuqday oo aan maqaalo badan ka qoray oo aan ku hogatusaaleeyey waxa ku soo socda dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo isirtir iyo isbedel Jogaraafi loo diyaarinaayey mudooyinkaan maantana arinkaas maraayo meel gabagabaa ayyada oo lagu mashquuliyey reer walba in uu raadiyo madaxweyne qabiil, waa su’aale dowlad madaxweynayaal leh dunida ma ka jirtaa?!
Mida kale todobaadkaan waxa dhacay waa dhamaystirka arinta aan wax badan ka hadlay oo maantana aan ka hadlaayo waana sidaan:-
1- Shirkii qaramada midoobay oo dhawaan soo dhamaaday madaxweynaha Soomaaliya oo jooga ayaa madaxweynaha Keenya madaxweynaha Maraykanku arinta Soomaaliya sidii laga yeeli lahaa uu kala tashaday.
2- saacada aan maqaalkaan qoraayo Ciro,Deni iyo Axmed Madoobe ayaa URE ama Dabay kula shiraaya Amiirka Emaaraadka iyo ninka Yahuuda xukuma Natalyaahu.
3-kadar oo dibi dhal xaalada Soomaaliya ma moogidin holaca ka baxaaya Baydhabo ama Koofurgalbeed,Hirshabeele ama Baladqeyne, Jubalaandhi iyo Puntilaandhi marka aad ku xirto shirka imaaraadka madaxweyne Xassan Shiikh wuxuu ka degay Adhis Abada asaga oo xalka Soomaaliya ka raadinaaya Abi Ahmed.
Aaway aqoonyahan iyo waxgarad, aaway culumadii, aaway odayaashii dhaqanka (xaalkayagu ma (REER BA,AYOOW YAA KU LEH) waxaan ku soo koobayaa ama aan wada yuhuudoowno oo Muslimka ka baxno ama kacdoon shacab oo Hargeysa ilaa Kismaanyo ah oo ku wajahan Ciro Deni, Xassan Shiikh iyo Axmed Madoobe u istaagno.
Maxay adiga kula tahay?
Wabilaahi Towfiiq.
A.J.Faarax
Leave a Reply