Marar badan waxaa madaxda maraykanka iyo saxaafadoidu ku celceliyeen in ay aqoonsan yihiin midnimada Soomaaliya oo ay ugu denbeysay safarka Cabdiraxmaan Ciro halkaas dhawaan ku tegey,horeyna sidaas si le,eg oo ay xulafadiisa Imaraadka iyo Isra iil ka midka yihiin oo ula tegey isla arinta jawaabtu waxay ahayd mid la mid ah tan haddaa.
Haddaba waxaas oo dhan waxaan u arkaa dhalaan habaabis iyo in aqoonsiga Gobolada waqooyi loo bislaynaayo si eed la,aan ah loona diyaarinaayo in ay go,aan,sababtuna waa Sudaan:-
1-Mareykanka iyo saaxiibadiisu waxay joojiyeen taageeradii dawlada dhexe ama DFS.
2-Dhanka kale waxay si mug leh u taageerayaan Puntilaandhi iyo Jubalaandhi.
3-Taageeradii dhanka amniga iyo ladagaalanka Argagixisada waxaa loo weeciyey Puntilaandhi iyo Jubalaandhi.
4-Mareykanka wuxuu sheegay in waxwadaqabsi aan ahayn aqoonsi uu la yeelanayo Soomaalilaandhi.
5-Hawlaha kale oo xulufada mareykanka oo ay u horeeyaan Yuhuuda iyo Imaaraadku ka wadaan saddex gobol ma qarsoona.
Sidaas awgeed Soomaaliyeey ogaada yaan dhaandabagaale laydiin muujin Soomaalilaandhi la aqoonsado wax ka khatar badan baa naloo maleegayaa oo in gobol kasta la gaarsiiyo in uu ku dhawaaqo waa go,ay ah waxaana hadda qorshaha ku jira in Axmed Madoobe iyo Deni looga yeero Abuudabay,arintaas oo ka mid ah karkarinta hawlaha aan soo sheegay.
Maxay adiga kula tahay?
Wabilaahi Towfiiq
A.J.Jimcaale
Wadaan
Leave a Reply