Sawiro:๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐จ ๐ค๐ฎ ๐ญ๐š๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐–๐š๐ฑ-๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”

Xamze

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Diyaarinta Warbixinta Wax-qabadka Xukuumadda DanQaran 2022โ€“2026, taasi oo lagu dhex diyaarinayo Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran muddadii ay jirtay ku tallaabsatay guulo wax-ku-ool ah, kuwaas oo ay saldhig u yihiin Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo Hiigsiga Qarni-jirka ah ee 2060, oo ah aragti ka timid madaxda sare ee dalka.

Howl-wadeennada diyaarinaya warbixinta wax-qabadka Xukuumadda ayaa la-wadaagay Raโ€™iisul Wasaaraha, waxyaabihii ka hirgalay Lixda Tiir ee amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, Soomaali-heshiis ah, dunidana heshiis laโ€™ah, iyo Garsoorka, iyada oo warbixinta ay muujisay koror weyn oo dhinac kasta ah.

Mudane Xamsa, waxa uu sheegay in loo baahanyahay dadaal, midnimo iyo isku-duubni iyo wada-shaqayn, si bulshadu ugu tallaabsato horumar muuqda oo la taaban karo. Waxa uu xusay in aynu u soconnaa Soomaali mid ah, aysan argagixiso joogin, Soomaali barwaaqo ah oo Khayraadkeeda lasoo baxday, dalkeedana maalgashatay.

FB_IMG_1787483223087.jpg
FB_IMG_1787483203768.jpg
FB_IMG_1787483208579.jpg
FB_IMG_1787483213723.jpg

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.