Afarta arimood oo Soomaalida khatarta ku ah maanta, marka aan Soomaalida leeyahay ma aha kaliya Jamhuuriyadii Jabtay ee Somaaliya ee shanta Soomaaliya oo faynuustii u shidneyd ee rajadu dantay 1991kii baan ula jeedaa:-
1- Damaca MW Xassan Shiikh Maxamuud ee hantiboodka kaliya ku hawlan oo aad moodid bahalka weerka la yiraahdo oo ari boqola cidla kahelay habayn,dhaqanka weerka tira kasta ha ahaadee ilaa uu rida u danbaysa dilo kama daalo layntooda,bal ila eega dhulboobka iyo hantiraadinta Xassan sow uma eka?.
2- MW Cismaaciil cumar Geele oo naf iyo maalba baqtiistay dalka Jabuuti sow uma dhaqan eka bahalka la yiraahdo gaduudanaha oo ah bisadduureed, neef buu dishaa oo inta god u qodo buu ku xabaalaa markuu qurmo buu cadba maalin cunaa, dhaqanka cismaaciil Cumar Geele saas ma u eg yahay?
3- Riyada waalida ee citaraaf raadinta Cabdoraxmaan Ciro oo cadawga Islaamka iyo kan Soomaalida ee soo jireenka ah ka doonay sow lama moodo nin waashay oo cidqabata oo xanaaneeya waayey?
4-siyaasiyiinta Soomaalida ee haruubraaca wada ah sow dhaqanka yeyda ma leh,yeydu waa dugaag koox koox isu raaca wixii ay duurka ka helaana aan waxba ka reebin ee wada cuna tira kasta ha ahaadee,miyeysan siyaasiyiinta Soomaalidu dhaqankaas lahayn?
Isku soo wadaduub waxaa looga bixi karaa shacbiga Soomaaliyeed oo sameeya kacdoon dadweyne meel kasta ha ku noolaadee naf iyo maalbana u hura badbaadada magaca Soomaalida,maxay adiga kula tahay?.
Wabilaahi Towfiiq
C.J.Faarax
Leave a Reply