Ururka Midowga Yurub ayaa joojiyey bixinta fiisaha dal ku-galka ah ee la siin jiray muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Go’aankan ayaa yimid ka dib qiimeyn la sameeyay, taas oo lagu ogaaday in dowladda Soomaaliya si fiican uga soo bixin wadashaqeynta ku aaddan dib u soo celinta muwaadiniinteeda sharci-darrada ku jooga dalalka Midowga Yurub.
Sida ku cad warqad kasoo baxday Midowga Yurub oo warbaahinta Shabelle heshay, dalalka Yurub waxaa laga mamnuucay inay muwaadiniinta Soomaaliyeed siiyaan fiisaha dhowrka jeer ee lagu galo, marka laga reebo madaxda iyo mas’uuliyiinta wata baasaboorka diblomaasiga iyo kan adeegga dowladda.
Intaas waxaa dheer, muddada caadiga ah ee lagu baaro codsiyada fiisaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa si weyn loo kordhiyay, iyadoo laga dhigay 45 maalmood halka ay markii hore ka ahayd 15 maalmood oo kaliya.
Midowga Yurub ayaa caddeeyay in go’aankan uu yahay mid ku-meel-gaar ah oo aan lahayn muddo cayiman oo uu ku eg yahay.
Leave a Reply