Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka hadlay Dastuurka cusub ee Madaxwayne Xasan Saxiixay kaas oo pagu muransan yahay
Tallaabada uu qaaday Madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhammaanayo Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan saxiixa dastuurka uu samaystay waxa ay xoojinaysaa khatarta ku gadaaman dowladnimada dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.
Mowqifka dowlad goboleedyada ee ku saabsan laalista dastuurka dalka, xildhibaannada labada aqal ee qaaddacay fadhiyada Dastuurka oo metalaya bulsho badan iyo Madaxdii iyo mas’uuliyiintii hore oo wadajir uga soo horjeeda hannaanka loo maray, waxa ay dhammaan arrimahani muujinayaan in aanu jirin heshiis bulsho iyo mid siyaasadeed oo sharciyad siinaya tallaabadan.
Saxiixa sharci darrada ah ee maanta uu sameeyey Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ka soo horjeedaa hab-raarcyada uu qeexayo dastuurka ku-meel-gaarka, waxa uuna kala gaynayaa ummadda Soomaaliyeed, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa in uu kusoo laabto jidka heshiiska lagu yahay, muddada kooban ee u dhimanna uu ku qabto doorasho loo dhanyahay oo waqtigeeda ku qabsoonta, kuna salaysan hab-raacyada iyo shuruucda la isla oggolyahay.
Dhammaad
Leave a Reply