Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray wax ka badalka dastuuska lagu sameynayo kaas oo buuq badan iyo kala qaybsanaan ka dhex abuuray xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya.
Dowladda Federaalka ah waxay si Mas’uuliyad-darro ah ugu tumanaysa Dastuurkii lagu doortay iyadoo wax ka beddelka Dastuurka u maraysa hanaan baalmarsan habraacyadii ku qornaa wax ka beddelka Dastuurka, taas oo khatar ku ah jiritaanka Dawladnimada iyo Dastuurkii Heshiiska lagu ahaa ee ay isla ogolaayeen dhammaan dadka Soomaaliyeed.
Ficiladii u danbeeyay ee ka dhacay Golayaasha Baarlamaanka waxay muujinayaan xilkasnimo-darro weyn iyadoo Xildhibaanada kasoo horjeeda go’aamadan uu dabada ka riixayo Madaxweynaha wakhtigiisu gabagabada yahay ay la kulmeen jirdil iyo handadaad halis gelisay naftooda.
Dowladda Jubaland waxay caddeynaysaa in aan Deegaanada iyo shacabka reer Jubaland lagu dhaqi doonin Dastuur aan loo dhammayn oo koox gaar ah samaysanayso, kaas oo aan haysan kalsoonida xubnaha labada gole iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
— DHAMMAAD —
Leave a Reply