Wiilka madaxwaynaha Mareykanka Eric Trump ayaa beeniyay in kulan uu la qaatay Hogaamiyaha Gooni Goosiga Somaliland Cabdi Raxman Maxamed Cabdulahi (cirro)
Sida ay baahisa wakaalada wararka ee Afhayeen u hadlay Eric Trump ayaa xaqiijiyay in Cirro uu ka qaybgalay cashadii soo dhaweynta ahayd isla markaana uu sawir la galay wiilka madaxweynaha Mareykanka, balse waxa ay beenisay in labada nin ay yeesheen kulan gaar ah, iyada oo sheegtay in ay qolka ku sugnaayeen in ka badan 100 qof.
“Marna (Eric Trump) kulan lama uusan yeelan madaxweynaha Somaliland. Sidoo kale marna kama uusan hadlin arrin ku saabsan deked,” ayay tiri Kimberly Benza oo bayaanka soo saartay.
Leave a Reply