Waxaa hubaal ah in laga soo bilaabo maalintii la doortay Xassan Shiikh Maxamuud ilaa maanta qaranka Soomaaliyeed hadaan buu ku sii dhaadhacayey, wuxuuna maanta Marayaa meel halis badan.
waxaana xusid mudan hagardaamada aan kala go’a lahayn ee aan ka xusi karno boobka hantidii guud ee qaranka, kala taga maamul goboleedyada, maamulxumada shaqaalaha dawlada iyo ciidamada iyo siyaaada arimaha dibada oo aad moodid in ay u shaqaynaysay waxaad rabto aan kuu saxiixee jeebkayga wax ku rid.
Dhibaatada ugu weyn waa sida dawlada Imaaraadka Carabta ugu dhexmilantay qaranka Soomaaliyeed, bal eeg waxay hantiday afarta dekadood ee dalka Berbera, Boosaaso, Xamar iyo Kismaanyo islamarkaas Imaaraadku wuxuu ku guuleystay in ayyan afarta dekadood ee dalku xiriir yeelan iyo wada shaqayn.
Haddaba arintu waxay iigu muuqatay quus waxse maanta iigu muuqataa in heshiiskii aqoonsi ku sheega ahaa ee Ciro iyo Natalyaahu oo Imaaraadku garwadeenka ka ahaa uu Soomaalida u noqday nasri Alle noo soo diray iyo (CAANA daataba dabadoodaa la qabtaa).
Aan dulucda taabto go’aanka DFS ay qaadatay ee ku aadan Yuhuuda iyo Imaaraadka sida meela badan shacbigu uga falceliyey dareenkooda waa wax la bogaadiyo mucaarad iyo muxaafadba, waxaana shacbiga ku leeyahay (waa intaas oo aad uga sii dawaataan).
Waxaa aad wax looga xumaadaa in dad mucaarad sheeganayaa ay go’aanka DFS ee ku aadan Yuhuud iyo Imaraadka Carabta ee isku sidkan, madoonaayo in Xassan Shiikh dib xukunka ugu soo laabto laakiin Soomaaliyeed ogaada oo ku baraaruga arintaas ninkii ka horyimaada waa jaajuus Yahuud iyo Imaaraadka, waana in laga ilaashaa xil qaran iyo mid gobol sigaara Dawlad Goboleedyada Jubalaandhi iyo Puntilaandhi shacbigoodu badbaadintiina iyo diintiina ayaa ku jirta in aad iska qabataan Deni iyo Madoobe oo yaan diinta si fudud looga bixin ayyada oo qabyaaladu na jiidaneyso.
Wabilaahi Towfiiq.Dhiblaawe
Leave a Reply