Dadka muslimka ah ama bulshada muslinka, haddii aan si kale u dhigana dawlada muslimka ayaa aayadaani u digaysaa haddii aan ku xadgudbo micnaheedana Alle iyo muslimiintaba waan uga cududaaranayaa waxse Ila tahay in Alle ummadda muslimka uga digay in ay is kala qaybiyaan oo kala tagaan, xooggooda iyo awoodoodana tahay wadajirka iyo midnimadooda, sidaas awgeed markii intaas la waayo oo meesha ka baxdo cadawga ayaa qoonkaas maamusha oo suu doono ka yeela.
Marka uu cadawgaagu doonaayo in uu ku duleeyo oo diinta ka saaro ama dhaqamo xunxun kugu dhex beero waa in uu marka hore abuuro khilaaf iyo isdiido (Markii shiniyi is khilaafto baa reerkeeda la helaa).
Haddaba maanta waxaa bulshada Soomaaliyeed ku baraarugtay ictiraaf ku sheega Yuhuudu siisay WaqooyiGalbeed iyo Togdheer una aqoonsatay dawlad madaxbanaan,sow arintu uma eka (jiifka ,jiif baa kaaga horeeyey).
Bulshada baraarugtay,culumada afka furatay iyo dhalinyarada qiireysan waxaa la rabay in kacdoonkaan biloowdo maalintii Imbegaati/Keenya naloo qaybiyey dawlado iyo madaxweynayaal sow arintu ma ahayn (Doqonta usha agteeda ku dhufo hadday garan weydo la dhac).
Aad baan ugu faraxsanahay dadweynaha Soomaaliyeed jawaabta ay ka bixiyeen riyada Yuhuuda iyo Ciro laakiin ogaada halka nala ka soo galay waa federal,kuna darsada Ciro,Deni,Madoobe iyo Xassan Shiikh waa Barsaabyo u Fadhiya Imaraadka,waxaana tusaale idin ku filan madaxii goonigoosadka Yeman in Cadan laga soo qaaday Berbere,Hargeysa iyo Xamar in la mariyo oo Dubai la geeyo,sow maaha hadde Gudoomiye gobol madaxweynihiisa inuu baaro kumo dhaco,sidaas awgeed kacdoonka aan balaarino oo Imaaraad iyo Yuhuud iyo barasaabyadooda is raacino.Alifka xumaaday Albaqara ka toosi maayee Federaalna aan xidid siibno.Balanteenu waa aan is daba qabano oo jamhuuriyadii Soomaaliya soo celino gudoomiyayaasha Imaaraqdkana aan iska xoreyno,taas haddii la waayo aan gaalo iyo Yuhuud isku dhiibno diin la,aan iyo. Cadaabna u bareerno.
Wabilaahi towfiiq,
Cabdullaahi Jimcaale Faarax
Leave a Reply