Taliyihii Ciidanka Asluubta oo Safar ku Tagay Dhuusamareeb iyo Ujeedka Safarkiisa

asluub

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb oo ah xarunta maamulka Galmudug.

Taliyaha waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan Ciidanka Asluubta Galmudug iyo madax ka socday maamulka Galmudug.

Inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, Taliyaha wuxuu booqan doonaa xabsiyada Asluubta ee magaalada, sidoo kalena wuxuu kulamo la qaadan doonaa saraakiisha iyo madaxda maamulka Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.