Dowlada Soomaaliya oo Sheegay inaysan Ka warhayn hogaamiyaha Yemen ka soo baxsaday  ee Muqdisho Ka Dhoofay

garoon

Qoraal af ingiriis ku qoran oo goor dhaweyd ka soo baxay waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha ee dawladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan tahay “isticmaalka aan la fasixin ee hawada iyo garoomada Soomaaliya ayadoo dhaqdhaqaaq loo fududaynayo shaQsi baxsad ah oo siyaasi ah”.

Hay’adda waxay sheegtay in, ayadoo la shaqaynaysa hay’adaha kale ee dalka ay bilaabeen baaritaan degdeg ah oo la xiriira sax ahaanshaha warbixinadaas si ay u go’aamiyaan in lagu xadgudbay shuruucda Soomaaliya, habraacyada, iyo xeerarka.

“Haddii la xaqiijiyo wuxuu falkaasi noqonayaa xadgudub ba’an oo loo gaystay madax banaanida iyo xeerarka socdaalka ee Soomaaliya. In loo fududeeyo qof baxsad ah, ama laga sameeyo dhul Soomaaliyeed hawlgallo dhinac kaliya ah, ayadoo aan loo haysan fasax sharci ah waa mid aan la aqbali karin” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay dawladda Soomaaliya intaa ku dartay inay taageerayso baaqa uu Sacuudigu ku baaqay in wadahadallo la isugu yimaado Riyaad, “isku dayga uu Caydaruus Al Zubaydi kaga dhuumanayana” uu yahay mid ka hor imaanaya dadaalkaas diblomaasiyadeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.