Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay hadalkii ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ee ku saabsanaa eedeymo la xiriira Bakhaar ay leedahay Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP).
War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu yiri”Dowladdu waxay rabtaa inay caddeyso in badeecadaha lagu xusay warbixinnadii ugu dambeeyay ay weli ku jiraan gacanta iyo maamulka Barnaamijka Cuntada Adduunka, oo ay ku jirto caawimaadda uu bixiyo Mareykanka.
Dowladdu waxay si dheeraad ah u caddaynaysaa in bakhaarka WFP ee su’aasha laga qabo uu ku yaal agagaarka Dekedda Muqdisho, halkaas oo ay ka socdaan ballaarinta iyo shaqooyinka dib-u-habaynta socda oo qayb ka ah hawlaha horumarinta dekedda ee ballaaran. Hawlgalladani ma saameyn ku yeelan haynta, maamulka, ama qaybinta gargaarka bani’aadamnimada.
Iyadoo laga jawaabayo walaacyada laga qabo howlaha ballaarinta dekedda, Dowladda Federaalka waxay sii waddaa inay dib u eegto arrintan iyada oo loo marayo guddiga farsamada ee hay’adaha kala duwan iyadoo la kaashanaysa la-hawlgalayaasha bani’aadamnimada.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda uga go’an tahay mabaadi’da bani’aadamnimada, hufnaanta, iyo isla xisaabtanka, waxayna qiimeysaa iskaashiga ay la leedahay Mareykanka iyo dhammaan deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah. Warbixinno dheeraad ah ayaa la bixin doonaa marka dib u eegista la dhammeeyo”.
Leave a Reply